Computer man

Wareysi Somali – Isaaq Malela: Loolanka Doorashada waxaan uga jiraa Danaha shacabka Rer Banisa


Inkastoo guddiga doorashada aanay ku dhawaaqin xilliga la qabanayo doorashada kuceliska ee Banisa ayaa hadana waxaa isa soo tarayaa musharixinta u kala ordayo qabashada xilkan.

Maalmo ka hor waxaa la isla dhaxmarayay in mid kamid ah musharixintaas uu yahay Issac Malela, si aan wax badan uga ogaano qorshahiisa waxuu iminka si toos ah ugu jiraa qadka talefoonka ee Magaalada Nairobi.

Hoos ka dageyso Wareysiga oo dhameystiran. Caawa iyo Garissa Today.


Mudane Issaq Malela waa ku mahadsan tahay waqtiga aad ina siisay.

Suaal. Waxaa inagu maqaalla ah inaad musharax tahay, si loo shakiyo bixiyo dadweynaha, ma sax baa inaad u hanqal taageyso kursiga xildhibaan ee Banisa?

Jawaab. Mahadsanid Hassan. Sida aan barteyda baraha bulshada aan ku sheegay, haa waxaan ka mid ahay musharaxinta deegan barlamadeedka Banisa. 

Suaal. Waxaad horay ugu tartantay kursiga gollaha deeganka ee Guba, waa maxay sababta hadda aad u dooneyso xilka deeganka Banisa?

Jawaab. Waa Suaal Wanagsan Hassan. Si aad ka warqabtid saaxada siyasada kuma cusbi. Waxaan ahaa musharaxa dorashada golaha hose ee Mandera, Gaar ahaan Degan barlamanedka Banisa. 

Waxaan Aamin sanahay in aan ahay musharaxa ugu haboon ee matali lahaa shacabka Banisa iyada oo aan ogsoonahay in boqolkiiba 70% dadka deeganka in eey yihin dhalinyaro. 

Suaal: Wax badan ayaa kaa horreeyaa hadii aad ku guuleysato xilkan waxaana kamid ah isbadelka cimilada ee saameeyay Banisa iyo si guud waqooyiga Kenya. Maxaa si gaar ah u sameyn doontaa si si dhaqsa leh looga jawaabo musiibooyinka dabiiciga ah ee deeganka uu wajahayo?

Jawaab: Isbadalka cimilada iyo Heerkulka ayaa aad isku bedelay sameyn weyn-na kuyeeshe dadka deeganka. Ugu horeyn waxaan qorsheynayaa marka aan ku guuleyso kursigan, in aan kobciyo wacyigalinya si looga warqabo qatarta Isbadalka Cimilada. Waxaa ii qorsheysan in dadka degaanka loo jaheeyo beeraha iyo ila daqaale oo looga kaafti dhoono saameynta cimilada. 

Waxaan sidoo kale soo garsiin dhonaa deganka Banisa qeyb kamid 15-ka bilyan ee geed ee uu Madaxweyne William Ruto Qorsheynayo in uu ku beero dalka. Taas aad beey inoo anfici, hawlaheedana waan bilaaway. 

Suaal. Aan wax ka weydiyo Arrimaha caafimadka iyo dhimashada carruurta ka yar shanta sano oo si weyn looga hortagay sanadihii lasoo dhaafay. Sidee u sii laba jibaari kartaa guulahaas xilli laga yaabo in la jaro dhaqaalihihi ama miisaniyadii la siin jiray barnaamijka caafimadka hooyada iyo dhallaanka kaddib marka barlamaanka la horgeeyo. Marka horese ma taagersan tahay barnaamijkan, hadii jawabtaada haa tahay , sidee u xaqiijin kartaa in maalgelintan ay u sii ahaato mudnaanta koowad?

Jawaab. Waa su’aal aad u fiican Hassan.

Ismaamulka Mandheera waxuu kamid yahay deeganada ugu horreeyo Kenya ee laga diiwan galiyay in-kabadan 60- boqolkiiba dhimashada hooyooyinka xilliyada ay dhalmada.

Balse ansixintii dastuurka cusub kaddib, dowladda countiga door aad u weyn ayay ka ciyaartay sidii hoos loogu dhigi khatartkaas oo uu ugu dambeyn ku guuleystay inay hormar fiican ka sameeyaan.

Hadii la ii doorto xilkan, ka xildhibaan ahaan, waxaan barlamaanka horgeynayaa sharci oggolaanayo in lacago dheeri ah loo qondeeyo sidii nafta hooyooyinka iyo carruurta loo badbaadin lahaa.

Sida lagu ogaaday tirakoobkii la qaaday, ku dhawaad 108,735 carruur ah oo ka hooseeya da’da shan sano oo ay kujiraan kuwa kunool deegankeyga ayaa wajahayaa xaalad caafimad darro.

Sidaas daraadeed waxuu qorshaheyga yahay inaan xiriir dhow la yeesho wasaaradda caafimadka si aan ula imaano hannaan lagu xaqiijinayo in hoos loo dhigo tirada dhimashada carruurta da’dooda ka hooseysa shan sano.

Waxaan soo jeedin doonaa qorsha qiimo jaban oo lagu ilaaliyo, looga hortaga sidoo kalana lagu daweeyo carruurta sababtoo ah nasiib darro tirakooba la sameeyay waxuu tilmaamayaa in 70 boqolkiiba dhimashadan loo aaneeyo cuduro laga hortagi karo lana daaweyn karo.

Barlamaanka dhaxdiisa, anigoo ah wakiilkiina waxaan ka shaqeyn doonaa hab wax looga badalayo nidaamka caafimadka oo uu kujiro qorshaha istraatijiyadda ee dhalaanka iyo caafimadka ee 2021 ilaa 2025 kaas oo u gogol xaarayo in lagu ogaado daldaloolada iyo kordhinta dhaqaallaha lagu soo afjarayo dhimashada dhallaanka iyo hooyada ee Kenya.

Suaal. Ma bilowday ololahaaga doorashada? Hadii jawabtaada maya tahay waa maxay sababta?

Jawaab. Olalaha si wuu socdaa. Waxaan sugeynaa malinta Rasmiga ah ee Gudiga Dorashada uu shaacin dhoono xiliga uu ololaha rasmi u bilaawan doono. 

Suaal. Waxaan aragnay musharixiin u tanaasulayo xildhibaankii ka geeriyooday kurisigan walaalkii. Sidee adiga ugu diyaar garowday inaad kasoo gudubto caqabadaha kaaga imaan karo odeyaasha oo ah inaad tanaasusho?

Musharaxnimadaydu waxaa hagayaa dadka deeganka oo iga codsaday in aan ku matalo barlamanka. Manaaha geedi socod bilawday markii aan ku dawaaqay musharaxnimadeyda. 

Waan la socdaa qorshayaashan oo kale, dimoqraadiyadda laga wada xaajooday maaha arrin ku cusub deeganka waqooyi bari ee Kenya, waxaa la igu tijaabiyay markii ugu horreysay ee aan u tartamay jagada MCA-ga, mana ay surta galin. 

Waan ogahay sida loo wajaho caqabadahan oo kale iyo sida looga gudbo, waxaana aaminsanahay in an carqalad walbo sideeda aan u abaari dhoono. 

Suaal. Ugu dambeyn, adigoo inoogu soo koobayo 30 ilbiriqsi, maxaad u sheegeysaa 30kun ee codbiye ee reer Banisa ee ku dhageysanayo ama kusoo gabaganeysa?

Jawaab: Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka ku teedsan degan barlamanedka Banisa in aan ku soo wajahanahay oo aan si rasmi ah daaha ka qaadi doono qodobada iyo barnaamijyada aan u hayo dadkeeyga. 

30 ilbiriqsi iguma filna inaan ku soo koobo farinteyda, hayeshee waxaan ku kalsoonahay in haddii fursad la i siiyo in aan kaalin mugweyn ka qaadan qoono isbadalka siyaasadeed ee Banisa, matalaad buuxda-na eey igahelaan. 

Waa mahadsan tahay. Kaasi waxuu ahaa Issac Malela oo ah musharaxa doorashada kuceliska ah ee deegan barlamaanedka Banisa oo inooga warbixinayay musharaxnimadiisa.