Computer man

Booliska oo amray in laga guuro dhulka dabdamiska ee Muqdisho

Booliska oo amray in laga guuro dhulka dabdamiska ee Muqdisho

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa mar kale soo saaray amar ah in dadka degan dhulkii danta guud ee hay’adda dabdamiska ay uga guuraan muddo gaabaan oo ku eg 25-ka bishan Febraayo.

Dhulkan oo in muddo ah deegaan u ahaa qoysas badan ayaa amarkii hore ee dowladda ay soo saartay ee ahaa in la banneeyo uu ku ku ekaa 25-kii bishii laasoo dhaafay, taasi oo uu ka dhalatay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac.