Computer man

Bandhigga 5aad ee Suuqa-weynaha oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed,ayaa ka qeybgalay Bandhigga suuqweynaha Muqdisho oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah lagu qabanyo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo bandhiggan furay, ayaa si gaar ah u bogaadiyay dhalinyarada hal abuurka ganacsi soo kordhiyay, islamarkaana ka faa’iideystay fursadaha ganacsi ee aan lagu ee dalkeena yaala.

Bandhiggan ayaa socondoono muddo 3-maalmood ah, waxaana ka qaybgalaya ilaa 30-kun oo dad ah iyo 300 oo shirkado ganacsi ah, iyadoo muhiimaddiisu tahay kobcinta ganacsiga iyo hal-abuurka ganacsiga.