Computer man

Maxkamadda sare oo hakisay doorashada wakiilka ragga ku matalaya JSC

Maxkamadda sare oo hakisay doorashada wakiilka ragga ku matalaya JSC

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ururka qareennada ee (LSK) ka hor istaagtay in la soo doorto wakiilka ragga matalaya ee ku biiraya guddiga adeegga garsoorka ee JSC.

Waxaa uu qorshuhu ahaa in codeyntan ay dhacdo 29-ka bishan Labaad.

Hasa ahaate arrintan ayaa hakad ku jiri doonto ilaa iyo inta ay maxkamadda ka soo gabagabeynaysa dacwad uu u gudbiyay mid ka mid ah qareennada ismaamulka Nairobi oo lagu magacaabo Ishmael Nyaribo.

Waxaa go’aankan maxkamadeed soo saaray garsoore David Majanja .