Computer man

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya ay u soo magacawday Somalia Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Safiirka JFS ee dalka Kenya” Waxaan xoojineynaa xiriirka gamacsiga iyo kan diblomaasiyadeed ee labada dal, maadaama ay Soomaaliya ku biirtay  EAC”.